4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Askar ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Xalay lagu dilay Dulleedka Jowhar

Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay duleedka galbeed ee magaalada Jowhar fiidnimadii xalay.

Dilka askartan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysn, kuwaasoo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka degmada Jowhar ay sheegeen inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, iyadoo maydadka askartan isla xalay la gaarsiiyay degmada Jowhar.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan lagu dilay si gaadmo ah xilli ay ku sugnaayeen isbaaro ay gaadiidka kaga qaadayeen lacago, waxaana la sheegay in kooxihii dilkooda geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Saraakiisha ciidamada gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dilka askartan loo geystay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay weli inay ka dambeyso dilkan.

Al-shabaab ayaa horay u sheegan jirtay dilalka loo geysto askarta dowladda eek a howlgala gobolka Shabeellada Dhexe, balse illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku aaddan dilka askartan.

Maanta ayaa lagu wadaa in degmada Jowhar lagu aaso askartan, iyadoo ay tani qayb ka tahay falalka ammaan-darro ka taagan Muqdisho iyo gobollada ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

Degmada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay dowladda iyo AMISOM kala wareegeen xoogagga Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo tan iyo xilligaas ay xoogagga Al-shabaab si gaadmo ah ku dilayeen ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada dhexe ka howlgala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya