4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay sii wadayso dagaallada ka dhanka ah Kenya


Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay socon doonaan weerarrada ay Kenya ka geysanayaan tan iyo inta ay xabsiyada kasii daynayaa muslimiinta ku xir-xiran una ogolaanayaan inay si xor ah u noolaadaan.

Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday habeen hore deegaanno ku yaalla xeebta dalka Kenya ay qayb ka yihiin weerarro joogto ah oo ay qorsheeyeen inay Kenya ka fuliyaan.

“Maamulka Kenya waxaan u sheegaynaa inay weerarradu ku socon doonaan illaa ay xabsiyada kasii daynayaan dadka muslimiinta ah ee xir-xiran ayna u ogolaanayaan inay si xor ah u noolaadaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay u dhintaan walaalahooda xabsiyada ugu jira xukuumadda Kenya, ayna isugu mid u tahay geerida iyo nolosha.

“Waxaan Muslimiinta dalka Kenya ku nool ugu bishaareynaynaa inaan diyaar u nahay inaan cadowga naafeynta ku wadno inta ay dadka muslimiinta ah ka sii daynayaan xabsiyada, waxaana diyaarinnay ciidammo weerarro kale ka geysata Kenya,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa intaas ku daray inay Kenya ugu baaqayaan inay ka saaraan ciidamadooda gudaha Soomaaliya, haddii kale ay weerarrada kusii socon doonaan.

“Waxaan leennahay Keenyaanka ku bishaareysta in weerarrada aysan idinka joogsan doonin inta ay ciidamadiinnu ku sugan yihiin dhulkeenna, haddii aad kala baxdaan oo aad noo ogolaataan inaan sidii aan doonno dhulkeenna ugu noolaanno, weerarradu way idinka joogsan doonaan, haddii kalena way sii socon doonaan,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka Al-shabaab.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Somalia 4,000 oo askari oo qayb ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka howlgala deegaanno ka tirsan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Madaxda dalka Kenya ayaa horay u sheegay inay ciidamadoodu joogayaan Soomaaliya inta laga cirib-tirayo Al-shabaab oo ay sheegeen inay tahay koox argagxiso ah oo khatar ku ah dalalka gobolka ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya