4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
COL. XUMUD: “Kaalintii Shacabka ayaa ka maqan sugidda Amniga Muqdisho”


Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in sugidda amniga magaalada Muqdisho ay ka maqan tahay kaalintii shacabka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen, isagoo xusay in haddii aysan shacabku ka qayb-qaadan sidii loo sugi lahaa ammaanka Muqdisho aysan AMISOM waxba ka qaban karin.

Col. Xumad ayaa sheegay in dhibaatada kale ee jirta ay tahay in dowladda Somalia aysan la wadaagayn sidii ammaanka wax looga qaban lahaa, wuxuuna xusay in haddii aanu iskaashi jirin inaan waxba laga qabn karin ammaanka.

“Sugidda ammaanka Muqdisho waxaa ka maqan kaalintii shacabku uu ku lahaa. Haddii aysan shacabku garanayn inay iska qabtaan kuwa dhibka ka dhex-geysanaya, waxaan u sheegaynaa inaysan AMISOM waxba ka qaban karin,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in AMISOM ay horay ula soo shaqeysay dowladdii KMG ahayd, ayna iyadu wadday dowladda, balse hadda ay dalka ka jirto dowlad federal ah oo dunidu aqoosan tahay, taasoo laga doonayo inay sheegto meelaha la doonayo in wax laga qabto.

“Dowladda federaalka ah ee hadda jirta iyadaa laga doonayaa inay amar ku siiso AMISOM meelaha wax laga qabanayo, lana wadaago sida meelahaas wax looga qaban karo, haddii aysan taasi dhicinna waa dhibaato weyn,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Hadalka afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay ku goodisay inay kordhinayso qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay ka geysnayso magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowladda.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday xarunta baarlamaanka Soomaliya, halkaasoo ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiray ruuxii weerarka ismiidaaminta ah fuliyay.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegay inuu ahaa mid ay ku doonayeen inay kaga wareejiyaan ciidamada lagu gadaamay xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya