4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Kenya oo laga baqayo inay Maanta ka dhacaan Rabshado salka ku haya Siyaasad


Isniin, July 07, 2014 (HOL) — WaddankaKenya ayaa laga baqdin qabaa inay ka dhacaan maanta rabshado salka ku haya siyaasad, iyadoo lagu wado inay ka dhigaan dibadbax weyn magaalada Nairobi taageerayaasha xisbiga ODM oo ah xisbiga ugu weyn xisbiyada mucaaradka Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaad 15,000 oo askari dhigtay goobaha muhiimka ah ee magaalada Nairobi sida beerta xorriyadda (Uhuru Park) oo ah halka uu k dhici doono dibadbaxa mucaaradku qaban-qaabinayaan.

Ammaanka qaybo badan oo ka mid ah magaalada Nairobi ayaa xalay si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidammo waddooyinka joogay ay baaritaanno aan horay loogu arag Nairobi waxay ku sameynayeen gaadiidka sida gaar ah loo leeyahay iyo dadka saaran.

“Ciidamadu waxay darawallada gaadiidka wada weydiinayeen ogolaashaha kexeynta gaadiidka (Leysan), iyagoo sidoo kalena dadka weydiinayay inay sharci haystaan iyo in kale,” ayuu yiri xeel-dheere dhinaca siyaasadda ah oo u warramayay saakay idaacadda VOA-da laateeda afka Soomaaliga.

Siyaasigan oo lasoo shaqeeyay IGAD laguna magacaabo Cawil Aadan Axmed ayaa xusay in xaaladda Nairobi ay tahay maanta mid aan wanaagsanayn oo meel walbana ay taagan yihiin ciidammo fara badan si ay u adkeeyaan guud ahaan amniga magaalada.

“Tallaabadan waa mid aan horay loogu arag Kenya, waxaana dowladdu ay ka baqaysaa in dibadbaxa waxyaabo kale loo isticmaalo, waana taas midda keenta yin ciidammo badan ay dowladdu dhigto meelaha muhiimka ah,” ayuu mar kale yiri Cawil.

Sidoo kale, Cawil ayaa sheegay in goobaha ciidamada lagu daadiyay ay ka mid tahay xaafadda Islii oo ay Soomaalidu deggen tahay, sidoo kalena lagu arkayo ciidammo badan xaafadaha sare ee magaalada Nairobi.

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay xaaladda gobolka Xeebta dalka Kenya ku yaalla ee Mombasa ayuu sheegay inay xaalad kacsanaan ah ka jirto, ayna dowladdu ka feejigan tahay inay rabshado ka dhacaan.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay in 29-kii qof ee habeen hore lagu dilay meelo ka mid ah deegaannada xeebta Kenya ku yaalla ay ku jirtay haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya