4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo baaritaan ka wada Bakaaraha

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa saaka howlgal baaritaan ah ka bilaabay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqa ganaciga ee suuqa ayaa guud ahaanba saaka xayiran, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee Suuqa Bakaaraha soo gala.

Waddooyinka muhiimka ah ee ay saaka ciidamadu xireen waxaa kamid ah: Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka iyo Isgoyska Shiirkoole. Dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa gabaabsi ah inta badan goobaha ganacsiga ee suuqaas ku yaalna saaka lama furin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa howlgalkan ku micneeyey mid suuqa looga safaynayo hubka, islamarkaana lagu raad goobayo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay ahaa mid aan wanaagsanayn. Intii lagu guda jirey bishii Ramadaan oo keliya, ku dhowaad 80 qof oo isugu jirey mas'uuliyiin dowladda ka tirasn, askar iyo shacab ayaa Muqdisho siyaabo kala duwan loogu diley.

Ma ahan markii ugu horreysey ee ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay Suuqa bakaaraha howgal ka sameeyaan. Baaritaannada caynkan ah ayaa caadi ka ah magaalada Muqdisho, waxaana xilliyada qaar lagu soo qabqabtaa dad lagu tuhmayo inay falalka ammaan darrida ah qayb ka yihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya