4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Kooxo hubeysan oo Jubbada Hoose ku dilay haweeney xiran wayday xijaabka

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Hoosingoow ku toogtay haweeney 50-jir ah oo lagu magacaabo, Farxiyo Faarax kaddib markii la sheegay inay xiran wayday xijaabka oo ay amar ku siiyeen.

Mid ka mid ah ehellada haweeneydan ayaa sheegatay inay toogashadeeda geysteen rag hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan, wuxuuna xusay inay ku amareen markii hore inay xijaabka xirato, balse ay dib ugu soo laabteen ayna toogteen markii ay arkeen iyadoo aan xijaab xirnayn.

Haweeneydan ayaa lagu toogtay gurigeeda horteeda xilli aroornimadii shalay oo Talaado ahayd, iyadoo ehellada haweeneydan ay sheegeen inay dilkeeda geysteen laba nin oo bastoolado ku hubeysan.

“Aroornimadii shalay 7:30-kii ayay rag hubeysan ku toogteen haweeneydan oo 50-jir ahayd xilli ay fadhiday gurigeed hortiisa. Waxaana filaynaa in dilkeeda uu salka ku hayay amarkii ay siiyeen oo ahaa inay xijaab xirato,” ayuu yiri ruuxa ay ehellada yihiin haweeneydan oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale ninkan ay ehellada ahaayeen haweeneyda la dilay ayaa intaas ku daray in raggii sidan sameeyay la qabtay, iyagoo indhaha ka xiran gaari lagu watay, balse ma uusan sheegin cidda qabatay.

“Dhacdadan waa mid ku cusub deegaanka, balse hanjabaadaha shacabka lagu hayo ay ahayd mid ka jirtay tuulada Baqdaad oo dilkan uu ka dhacay,” ayuu hadalkiisa ku daray ninkan oo aan magaciisa sheegin sababo ammaan awgeed.

Xarakada Al-shabaab ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku leeyihiin dilka loo geystay haweeneydan, iyadoo xubno u hadlay ay sheegeen in deegaanka uu dilka ka dhacay aanay iyagu si toos ah uga talin.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhaca Jubbooyinka, iyadoo ay dadweynaha deegaanka Hoosingoow oo ka mid ah kuwa ay dowladdu ka taliso ay maanta aad u hadal-hayaan dilka haweeneydan loo geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya