4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Askari lagu toogtay suuqa weyn ee Bakaaraha iyo kooxihii dilay oo la Toogtay

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogtay askari ka tirsanaa ciidamada nabadusugidda ee dowladda Soomaaliya, iyadoo labadii qof ee dilkiisa ka dambeeyay iyagana lagu dilay isla gudaha suuqa Bakaaraha.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in labada ruux ee dilka askariga geystay ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, iyaguna ay ku guuleystaan inay dilaan.

“Labadan ruux waxay toogteen askari ka tirsan nabad-sugidda, isagoo uu soo gaaray dhaawac, kaasoo uu mar dambe u dhintay, waxaana labadan qof toogtay ciidammo kale oo kuwa dowladda ka tirsan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugidda dowladda.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in askariga ay rasaas ku fureen laba nin oo ay ciidamada dowladdu goor dambe dileen, iyagoo sheegay inuu isku dayay askariga dhintay inuu is-daafaco markii uu dhaawacmay, balse taasi ay u suuro-geli wayday oo uu dhacay.

“Askariga markii la toogtay, ciidammo kale oo goobta ka dhawaa ayaa soo gaaray, waxayna toogteen labadii uu dilka geystay,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka ganacsiyada ku haysta suuqa Bakaaraha.

Dilka askarigan iyo dilka labadii ruux ee toogatay ayaa sababay in muddo kooban uu ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa suuqu hakado, balse markii dambe ayuu dib u furmay.

Xoogag hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa bishan dhowr qof ku dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo kooxaha dilalka geysta lagu dilo gudaha suuqa.

Inkastoo sarkaalka u hadlay hay’adda nabad-sugidda uu sheegay inay dilka askariga ka dambeeyeen labada qof ee la dilay oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, balse ma jirto cid weli sheegatay inay dilkaas mas’uul ka tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya