4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Hay’adda Zamzam Foundation oo Munaasabad weyn u sameysay Ciidul-Fitriga


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) —  Maalintii Ciiddul fitriga oo ku beegnayd 28-kii bishan ayay hay’adda wadaniga ah ee Zamzam Foundation waxay qabatay xaflad loogu dabaal-degaayay ciidda, iyadoo xafladda lagu qabtay xarunta Anadolia oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xafladda oo ahayd mid si qurux badan loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen dad aad u fara badan oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan, mas'uuliyiin ka socda hay'adaha Turkiga iyo kuwo ka socday hay’adaha gar-gaarka ee ka hawlgala Muqdisho.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo dadkii ka qayb-galay ay aad ugu riyaaqeen, waxaana sidoo kale munaasabadda hadallo ka jeediyay mas'uuliyiin Soomaali iyo ajaanib isugu jiray,ayna ka mid ahaayeen ururka midowga dhakhaatiirta carbeed,Islamic Relief iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa aqoon yahan Dr.Axmed Jihaad kuwaasoo si aad ah uga hadlay fadliga ciidda.

Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta hay’adda Zamzam ayaa Ciidul fitriga ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxayna sidoo kale hambalyo u direen dhammaan ummadaha Islaamka ah, iyagoo Alle uga baryay in ciiddan teeda kale uu ku gaarsiiyo nabad, baraare iyo horumar.

Hay’adda Zamzam Foundation oo xarunteeda weyn ay tahay Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha maxalliga ah ee ka howlgala dalka, iyadoo ka shaqeysa samafalka, wax-barashada, ceelasha iyo xannaaneynta agoonta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya