4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Tirada dadka ku dhintay duullaanka Israel ee Marinka Qaza oo aad u korortay

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Waxaa aad u korortay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay duqeynta diyaaradaha dagaalka ee Israel ay ka wadaan marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Tirada dhimashada ee 24tii saac ee ugu dambeeyey oo keliya ayaa gaareysa ku dhowaad 170 qof, waxaana xusid mudan in dadka geeriyoodey ay u badan yihiin carruur, dumar iyo dad waayeel ah. Dadka geeriyooday waxaa sidoo kale ku jira dhowr qoys oo gebi ahaantoodba ku le'day gantaalo guryahooda ku dhacay.

Goor hore oo saaka ah [Arbaco] mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa labo gantaal ku tuurtay dugsi ku yaalla xero qaxooti oo ku taalla Qaza, xeradaas oo ay maamusho Hay'adda UNRWA ee hoos tagta Qaramada Midoobay. Duqeynta waxaa ku dhintay 23 qof oo arday u badan, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 90 qof oo ay ku jiraan qaar badan oo ay xaaladoodu halis tahay.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israel ee Qaza, waxaa geeriyoodey 1260 qof oo Falastiiniyiin ah iyadoo tirada kuwa dhaawacmayna ay gaareyso 7100 qof. Dhanka Israel inta laga warqabo waxaa geeriyoodey ku dhowaad 70 qof oo dhowr iyo kontan kamid ahi ay askar yihiin.


Obama iyo Netanyahu oo ereyo kulul is dhaafsaday:

Kanaalka koowaad ee telefishinka Israel ayaa faafiyey cod lagu tilmaamay  inuu yahay "wada-hadal kulul" oo dhanka telefoonka ah oo dhex maray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Obama ayaa ka codsaday Netanyahu in Israel ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah iyo weliba in Israel ay joojiso faragelinta militeri gaar ahaan duqeynta dhanka cirka ah, tallaabadaas oo haddii la qaado uu sheegay inay horseedayso in kooxaha wax-iska-caabinta ee Falastiin ay joojin doonaan gantaalaha ay kusoo tuurayaan dhanka Israel.

Netanyahu ayaa si caro leh ugu gacan sayray talo soo jeedinta Obama, isagoo sheegay in Xamaas ay tahay urur argagixiso kaas oo ay ka go'an tahay in Yuhuudda laga cirib tiro dunida, sidaas darteed arrintaasi ay tahay mid aan marnaba gorgortan laga geli karin.


Xamaas oo xabad joojinta shuruud adag ku xirtay:

Hoggaamiyaha garabka hubeysan ee Xamaas, Muxamad Dayf ayaa isna dhankiisa sheegay in marnaba aysan wax xabad joojin ah ogolaan doonin inta ay Israel wado gumaadka iyo cadaawadda ay ka waddo dhulka Falastiin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dayf ayaa intaas ku daray in dagaalku uu weji cusub galay, militeriga Israelna ay wajihi doonaan xaalad adag, isagoo xusay inay sii wadi doonaan beegsiga iyo weerarrada gaadmada ah ee ay ku bar-tilmaameedsanayaan ciidamada Yuhuudda.


Dalal safiirradooda u yeertay:


Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Chile Jiili] ayaa shaacisay in ay u yeeratay safiirkii u joogay dalka Isreal. Qoraal ay wasaaraddu soo saartay oo warbaahinta caalamiga ah loo qaybiyey ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid looga jawaabayo xadgudubka iyo faragelinta militeri ee Israel ay ka waddo carriga Falastiiniyiinta. Go'aan midkaas lamid ah waxaa isna qaatay dalka Peru.

Dalalka ku yaalla Qaaradda Ameerikada Koonfureed ayaa u muuqda kuwo ka aragti duwan wadamada Yurub iyo Maraykanka marka laga hadlayo arrinta Israel iyo Falastiin. Maalmo kahor wadamada Barazil iyo Ecuador ayaa gebi ahaanba jaray xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahaayeen Israel, kaddib markii ay u yeerteen safiiraddii u fadhiyey Jerusalem.

XIGASHO: Al-jazeera Arabic
                     Link2 | Link3|
            

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya