4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Siiriya oo lagu dilay 2,300 oo qof intii lagu jiray Bisha Ramadaan


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — In ka badan 2,300 oo qof ayaa dalka Syria lagu dilay intii lagu jiray bisha Ramadaan, sida ay sheegtay hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo sal-dhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

Hay’addan oo lagu magacaabo hay’adda isku xirta xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya ayaa sheegay in bishii Ramadaaan oo keliya lagu dilay dalka Suuriya 2,378 oo qof, 1,932 ay dileen ciidamada daacadda u ah madxweyne Bashaar Al-Assad, kuwasoo ay ku jiraan 350 haween ah iyo 142 carruur ah, kuwaasoo u dhintay jir-dil iyo ciqaabo kale.

Sidoo kale, Islaamiyiinta ISIL ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka 273 qof oo ka mid ah dadkii lagu dilay dalka Suuriya intii lagu jiray bishii Ramadaan, kuwaasoo ay 21 ka mid ah ay ahaayeen dumar iyo carruur, halka 62-qof oo kalena ay ahaayeen shacab.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in 19 qof ay ku dhinteen iska-horimaadyo kooban oo dhexmaray kooxaha mucaaradka ah ee iska soo horjeeda, kuwaa oo dagaal kula jiray saddexdii sano ee ugu dambeysay dowladda dalkaas.

Kooxaha kale ee ka dagaalama Suuriya ayaa iyaguna dilay 98-qof oo rayid ah, kuwaasoo ay ku jireen 46 haween iyo carruur ah, iyadoo xogtu ay intaas raacisay inaan la ogeyn cida ka dambeysa dilka 416-qof oo kale.

Bisha Ramadaan ayaa billaabatay 28-kii bishii Juun ee lasoo dhaafay iyadoo ku ekeyd 27-kii bishan July, iyadoo dilalkii Suuriya dhacay bishii Ramadaan ay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee dalkaas ka dhaca bil Ramadaan.

Dalka Suuriya ayaa waxaa tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2011 ka socday dagaallo sokeeye, kaddib markii kooxo hubeysan ay billaabeen inay dagaallo la galaan dowladda oo ay ku eedeeyeen inay tahay mid kali-talis ah.

Ugu dambeyn, hay’adda ayaa sheegtay in tan iyo markii dagaalka Suuriya uu billowday ay ku naf-waayeen 126,000 qof oo 106,000 oo ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah. Iyadoo warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ay soo saarto bishii July ee sannadkii 2013 lagu sheegay inay dagaallada ka socda dalka Suuriya ku dhinteen 100,000 oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya