4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Degmooyin ka Tirsan Gobolka Gal-guduud oo Maanta laga Ciiday (SAWIRRO)


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Degmooyinka, Dhuuso-mareeb, Guriceel, Caabud-waaq iyo Xeraale oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca ayaa si weyn looga ciiday maanta oo Talaado ah, iyadoo dadka deegaannadan ay shalay soomanaayeen maalintii 30-aad ee bisha Ramadaan.

Mas’uuliyiinta Ahlusuna Waljamaaca ayaa shacabka degmooyinkaas ku nool kula tukaday masaajiddo iyo barxado waaweyn oo loo diyaariyay in salaadda ciida lagu tukado, iyagoo ka dalbaday shacabka inay ka shaqeeyaan ammaanka deegaannadooda.

Salaadddii ciida kaddib ayaa waxaa lagu arkayay waddooyinka degmooyinkaas dadweyne fara badan oo isku hambalyeynaya ciidda, iyadoo maamulka Ahlusunna uu shalay diiday in laga soomo deegaannadaas.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dadweynaha kula ciiday degmada Caabud-waaq oo ay dagaallo dhawaan ka dhaceen, iyagoo sheegay inay ku guuleysteen inay labadii dhinac ee dagaalamay ay kala dhex-dhigeen xabbad-joojin.

Dunida Islaamka ayaa shalay laga ciiday, iyadoo Soomaaliya inteeda badan shalay laga ciiday, inkastoo deegaannada Ahlusunna iyo kuwa Galmudug ay ka taliyaan ee bartamaha Soomaaliya aan shalay laga ciidin, balse maanta ay u ahayd maalintii ciidda Soon-fur.

Sidoo kale, Koonfurta degmada Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo ka tirsan kuwa uu maamulo Galmudug ayaa iyagana maanta laga ciiday, iyadoo ay mas’uuliyiinta maamulkaas ku boorriyeen shacabka inay la shaqeeyaan maamulka si loo sugo amniga deegaannada uu ka taliyo.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa inta badan maalmaha ciidaha iyo sidoo kale soonka maalin ka dambeeya qaybaha kale ee Somalia, iyadoo ay inta badan ku andacoodaan mas’uuliyiinta maamulkan inaysan arkin bisha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya