4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Maraykanka & Ruushka oo isku Khilaafsan jabinta Heshiis ay galeen 1987-kii


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa ku eedaysay ruushka in ay jabiyeen heshiis labada dhinac dhex maray sanadkii 1987-dii oo ku aadan dhinaca hubka Nugliyer-ka iyo sida loo adeegsan karo ,waxaana xiisadani ay soo shaac baxday muddo la joogo dhowr bilood.

“Runtii arintan waa mid xasaasi ah ,waxaana isku daynay in aan Ruushka arintan ku war-galinno mar uun,“ ayaa lagu yiri war ka soo baxay USA oo arintan ka hadlayay,kaasi oo aan faah-faahin dheeraad lagu cadaynin.

“Waxaan Rushka ku dhiirri-galinaynaa inay ka dhabeeyaan waajibaadka ka saaran u hog-gaansmidda heshiiska la wada gaaray,meeshana ay ka saaraan wax kasta oo car-qaladayn kara,” ayaa mar kale lagu xusay.

Arrintan oo ka soo baxday xafiiska masuul kamid ah kuwa Maraykanka laguma sheegin sida ay dowladda Ruushku u hareer-martay heshiiskan oo dhamaystiran, balse wargayska New York Times ayaa daabacay in Washington ay ku war-galisay sida aysan raali-galiga uga hayn tijaabinta uu Ruushku tijaabiyay qaar kamid ah gantaaladiisa ugu casrisan.

Waxaa heshiiska la gaaray waqtigaas uu hoosta-ka xariiqayay in labada dal ay meesha ka saaraan tijaabinta gantaladooda gaara inta u dhaxaysa 500 ilaa  5,500 KM,waxaana uu wargayska  cadeeyay in khilaafka arintaas  uu  taaganyahay ilaa iyo hadda.

“Tani waxay muujinaysaa sida Ruushka uu uga fogaanayo heshiiska dhacay ,inkastoo labada dhinac ay isku khilaafsan-yihiin arimo badan,“ ayuu yiri Daryl Kimball oo madax ka ah ururka Arms Control Association(ACS) xaruntiisuna tahay Washington.

Ugu danbayntii Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay in arintan ay kala tashan doonaan xulafadooda kale ee reer-galbeedka si Ruushka uu mas’uuliyadda arintan dusha u saarto hadii xal dhamaystiran laga gaari waayo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]