4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
C/WELI GAAS: Cabashada saxaafadda si dhaqso ah ayaa looga jawaabayaa
Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Puntland ee magaciisa loosoo gaabiyo MAP ayaa magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa mid muddo kooban socdey waxaa layskula eegay cabasho ka timid bahda saxaafadda oo la xiriirta xeerka saxaafadda ee dhowaan Baaralmmaanka Puntland uu meel mariyey.

Weriyeyaasha ayaa madaxweynaha u gudbiyey qodobo ay ka biyo diiyeen oo xeerkaas ku jira iyagoo ka codsaday in madaxweynuhu isagoo awooddiisa adeegsanaya uu arrintaas si deg deg ah wax uga qabto.

Madaxweyne Gaas ayaa u sheegay mas'uuliyiintii ka socdey Ururka MAP ee uu la kulmay in cabashadooda si dhaqso ah looga jawaabi doono, maadaama xukuumaddiisa aysan qorshaha ugu jirin in warbaahinta wax cadaadis ah la saaro.

Xeerka saxaafadda Puntland oo la ansixiyey sanadkii hore, xilligaas oo Puntland uu madaxweyne ka ahaa C/raxmaan Faroole, waxaa dib ugu soo celiyey baarlamaanka Wasaaradda Warfaafinta kaddib markii qodobada uu ka kooban yahay qaarkood wax laga bedelay.

Baarlammaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerkaas oo qodobada ku jira ay kamid yihiin aqoonsi ay Wasaaradda Warfaafintu u sameynayso weriyeyaasha ka howlgala deegaanada Puntland, arintaas oo ah tan muranka ugu weyn dhalisay.

Weriyeyaasha ayaa ku andacoonaya in qodobkaas iyo qaar kale oo lamid ahi ay xakameyn doonaan madax bannaanida saxaafadda, maadaama ay fududahay in weriyihii sheega xog aysan dowladdu raali ka ahayn faafinteeda aqoonsiga lagala laaban karo.

Intii u dhexeysey sanadihii 2010 ilaa 2012, waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo suxufiyiinta ka howlgala Puntland, waqtigaas oo ay wasaaraddu soo saartay amarro badan oo lagu xiray xarumo warbaahineed iyo saxafiyiin dhowr ah, inkastoo dhammaantood dib laga fasaxay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya