4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Wasaarada Amniga oo soo bandhigtay gaari lagu soo xiray waxyaalaha qarxa


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay gaari uu leeyahay qof shacab ah oo lagu xiray waxyaabaha qaraxa,  iyadoo gaariga la dhigay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee degmada C/casiis.

Guddoomiyaha degamada, Cabdulcasiis, Cismaan Muxiyadiin Cali ayaa sheegay in ay ku guuleesteen inay fashiliyaan qorshe lagu doonayay in baabuurkan lagu qarxiyo, isagoo xusay inay dadka degamda ay kusoo wargeliyeen gaarigaan lagu xiray walxaha qarxa.

“Qorshahan wuxuu ahaa mid ay ka dambeyso Al-shabaab, runtiina waa mid dhiirri-gelin mudan tallaabada ay shacabku qaateen, waxaana shacabka uga mahadcelinayaa wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha ammanka si loo adkeeyo ammaanka,” ayuu yiri guddoomiyaha oo wariyeyaasha kula hadlay xeebta Liido.

Sidoo kale, afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhiirri-gelinyaan ciddii soo sheegta xog ku aaddan fal lagu qal-qal gelinayo ammaanka.

“Wasaaraddu waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo shacabka ka tirsan oo soo gudbisa xog ku aaddan falalka ammaan-darro ee ay Al-shabaab geysato, waxaan ballan-qaadaynaa in qofkaas aan magaciisa la ogaan doonin, ayna siin doonaan abaal-marin ku farxo,” ayuu yiri afhayeena  wasaaradda.

Waa markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah oo hay’adaha amniga gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray lagu qabto Muqdisho, iyadoo dhawaan gaari uu leeyahay wariye ka shaqeeya warbaahinta dowladda lagu xiray walxa qarxa ay hay’adaha amniga u sheegeen shacabka degmada Waaberi.

Iyadoo bishii Ramadaan ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo falal ammaan-darro oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, ayay wasaardda Amnigu isku dayaysaa inay wax ka qabato falalka ammaan-darro ee ay ka geysanayaan Shabaabku Muqdisho

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya