4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Kenya oo shaacisay in ay Qabatay labo ruux oo xiriir la leh ururka Al-shabaab
Talaado, July 29, 2014 (HOL) —Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo lagu tuhunsan yahay in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-shabaab ka fulisay Westgate Mall bishii September ee sanadkii 2013 iyo weliba weerarkii kale ee bishii Juun ee lasoo dhaafay lagu qaaday deegaanka Mpeketoni.

Wargeyska The Star ee isla dalka Kenya kasoo baxa oo soo xiganaya mas'uuliyiin sare oo ka tirsan hay'adda dembi baarista ee Kenya, ayaa qoray in labada nin oo lagu kala magacaabo Axmed Maxamed iyo Nuur Gatuut lagu qabtay magaalada Gaarisa waxyar kaddib markii ay xadka dhanka Soomaaliya kasoo tallaabeen.

Labada nin ayaa ahaa kuwo muddo dheer lagu raad joogey, waxaana soo qabashadooda sahashay kaddib markii ay xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan dalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Hay'adda Dembi-baarista Kenya oo aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay wargeyska The Satar in labada nin ee eedeysaneyaasha ahi ay wax ka qorsheeyeen kana qayb qaateen weerarradii Westgate Mall iyo Mpeketoni oo dad boqol qof ka badani ay ku dhinteen.

"Labada nin ee eedeysaneyaasha ah muddo dheer ayaan ku raad joognay. Xiriirkii telefoon ee ugu horreeyey waxay sameeyeen iyagoo jooga masjidka Riyaadah ee ku yaalla Majengo, Nairobi...xogta xiriirka ee telefoonadooda gacanta ayaa muujineysa inay si weyn uga qayb qaateen weerarkii Westgate" Sarkaalka aaan magaciisa la carrabaabin ayaa sidaas yiri.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.

XIGASHO:

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya