Kooxo Hubeysan oo Askar ka Tirsan Ciidanka Dowladda ku dilay Shalaanbood

Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku weerareen guri ay ka deggenaayeen deegaankaas.

Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood, Nuur Cismaan Raage ayaa u sheegay warbaahinta in dilalkan ay geysteen kooxo Al-shabaab ka tirsan oo si gaadmo ah ku weeraray guriga ay askartaas ku sugnaayeen.

"Ciidamada la dilay tiradoodu waa afar askari, waxaana rasaastii lagu dilay askartan ku dhaawacantay gabar goobta ka ag-dhaweyd oo rayid ah," ayuu yiri Raage oo intaas ku daray in kooxaha dilka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo milateriga Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo aan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilkaas geystay.

Sidoo kale, guddoomiyaha Shalaanbood ayaa sheegay in falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo dhawaanahan degmada ka dhaca, balse ay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Al-shabaab oo lagu tuhmayo inay ka dambeysay weerarka askartan lagu dilay ayaan weli ka hadlin falkan, iyadoo Al-shabaab ay horay ugu goodisay inay beegsnayso askarta dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

Deegaanka Shalaanbood oo 10-km u jira degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa wuxuu ka mid yahay deegaannadii ugu horreeyay ee Al-shabaab laga qabsado tan iyo markii uu billowday gulufka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada dalka.

Ma jiro weli hadal kasoo baxay maamulka sare ee gobolka Shabeellada Hoose oo ku saabsan dilka afartan askari mar keliya loogu geystay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya