4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
GAROOWE: PL oo dhistay hay'ad ka shaqyn doonta maalgashiga iyo horumarinta

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) —Golaha Wasiirrada ee Puntland ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa ee ay maanta magaalada Garoowe ku yeesheen waxay ku gorfeeyeen arrimo dhowr ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka Golaha Wasiirrada todobaadkan layskula soo qaaday waxaa kamid ahaa: xaaladda ammaanka ee deegaannada Puntland, kororka tirada goobaha shidaalka lagu gado iyo xuska 1da Agoosto.

Dhanka kale, waxaa kulanka Golaha Xukuumadda Puntland ee maanta lagu magacaabay hay'ad cusub oo arrimaha horumarinta iyo maal-gashiga ka shaqeyn doonta taas oo loo bixiyey magaca ah: HAY’ADDA MAALGASHIGA IYO HORUMARINTA PUNTLAND (Puntland Investment And Development  Authority) PIDA.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ugu dambeyntii waxaa warbixin laga dhegeystey guddi loo saaray qaban qaababada xuska sannadguuradii 16-aad ee kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey maamulka Puntland sanadkii 1998.

Puntland ayaa sanad kasta 1-da bisha Agoosto u dabaal degta markii la dhisay, waxaana xusid mudan iyo saddexdii sano ee ugu dambeeyey munaasabaddaasi ay kusoo aaddey iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya