4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis dhanka waxbarashada ah kala saxiixday

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) —Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa heshiis dhanka waxbarashada ah waxay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Heshiiska waxaa labada dhan u kala saxiixay Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Ciise Maxamed Axmed (Guraase) iyo Wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya
Demeke Mekonnen.

Qodobada uu heshiiskaasi dhigayo waxaa kamid ah in Itoobiya ay deeqo waxbarasho siiso ardayda Soomaaliyeed ee ka baxa dugsiyada dalka iyo weliba in ay fududeyso aqoonsiga shahaadooyinka.

Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed (Guraase) oo heshiiskan iyo faa'iidada uu Soomaaliya u leeyahay si kooban uga hadlay, wuxuu sheegay inuu yahay guul weyn oo usoo hoyatey bahda waxbarashada ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa la filayaa in uu dhowaan dhaqan galo, wuxuuna qayb ka yahay heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ay horay ula gashay dalalka: Turkiga, Kenya, Sudan, Yemen iyo China.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya