4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Danjiraha South Korea ee Somalia oo warqadihiisii aqoonsiga laga Guddoomay


Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo, safiirka cusub ee dowladda Koonfurta Kuuriya ay u soo magacawday Soomaaliya.

Danjire Kin Chuan Woo ayaa noqonaya danjirihii ugu horreeyay ee Koonfur Kuuriya ay u soo magacowdo Soomaaliya tan iyo markii uu dalku galay bur-burka, iydoo danjirahan uu ka mid noqonayo danjirayaal dhowr ah oo caalamku ay u soo magacaabeen Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo dhaweeyay danjiraha cusub ee dalka Koonfurta Kuuriya xaruntaha madaxtooyada, isagoo ka aqbalay qoraal uu uga siday madaxweynaha Koonfurta Kuuriya.

Kin Chuan Woo ayaa kaga mahad-celiyay madaxweynaha iyo xukuumadda sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoo xusay inuu xoogga saari doono ka shaqeynta sidii xiriirka labada dal loo adkeyn lahaa.

Sidoo kale, danjiraha Koonfurta Kuuriya ayaa imaanshihiisa Muqdisho iyo magacaabistiisu ku sheegay inay qayb ka tahay bilowga xiriirka iyo wax wada-qabsiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isaguna ka hadlay magacaabidda safiirka isagoo sheegay inay caalamad u tahay sida dowladda Soomaaliya ay u doonayso inay u adkeyso xiriirka ay caalamka la leedahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya