4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Ha’yadda HARO oo Muqdisho ka wada Barnaamij lagu Afurinayo Masaakiinta


Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Iyadoo lagu jiro bisha Barakeysan ayay hay’adda HARO waxay ka billowdo Muqdisho barnaamj ay gacan ku siinayso dadka masaakiinta ah ee Sooman, kuwaasoo aan awoodin inay heleen cunto ay ku afuraan.

Hayada HARO ayaa xarun ay ku leedahay degmada Wadajir billowgii bisha  Ramadaan ka hirgelisey barnaamjka ay ku afurinaysa dadka tabaaleysan ee aan awoodin inay heleen waxay ku afuraan, waxaana xaruntaas maalin kasta u soo afur doonta dad fara badan kuwaasoo halkaas ka helo cunto isugu jirta bariis karsan, hilib, qudaar, cabitaan iyo qare.

Mid ka mid ah dadkii ka qayb-galay inay halkaa ka afuraan oo saxaafadda la hadlay ayaa  u mahadceliyay intii kasoo shaqeysay afurkaas; isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika  oo ka mid ah dadka ku deeqay hantidan lagu afurinayo dadka Sooman.

“Sannadkan waa kii labaad oo aan halkan ka afuro mahaddaas waxaa leh Alle iyo intii soo dhiibtay iyo weliba hayadda HARO oo nasoo gaarsiisay,“ ayuu yiri ruuxan ka midka ah dadka maalin walba ka afura xaruntan.

Mas’uuliyiin ka socdey Hay’adda HARO oo ku sugan Muqdisho ayaa kormeera qaabka ay howshu u socoto, waxayna sheegeen in howshan ay socon doonto inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hay’adda HARO ee Humanitarian African Relief  Organization waa hay’ad ka shaqeysa samafal oo in badan ka howgaleysay guud ahaan Sooomaaliya, waxayna ka qayb-qaadatay abaarihii ka dhacay dalka, biyo dhaamin, bixinta raashin qalalan, dhar noocyo ka duwan leh iyo daawooyin.      

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya