4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Dagaaal Al-shabaab & dadka deegaanka ku dhaxmaray duleedka Buula-burte

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) —  Guddoomiyaha maamulka degmada Buula-burte Axmed Cabdi Weheliye ayaa sheegay in deegaanno hoostaga Buula-burte ku dagaallameen xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo dadka deegaanka,kaddib markii leysku fahmi waayay xoolo sidda la sheegay Al-shabaab doonayeen in ay ka qaadaan dadka reer miyiga ah.

Deegaannada lagu dagaallamay ayuu sheegay in ay ka mid yihiin Mubaarak, Jameeco iyo deegaanno kale oo qiyaastii 20km u jira degmada Buula-burte, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

“Xarakada Al-shabaab iyo dadka deegaannka oo is abaabulay ayaa halkaa ku dagaallamay, kaddib markii ay iska diideen dadka xoolo la doonayay in si sharci darro ah looga qaado,’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buul-burte.

Al-shabaab ayaa wali maamusha deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa ay inta badan ay dagaallo kala kulmaan dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayaan waxaana iska horimaadyadaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Degmada Buula-burte oo ka mid ah degmooyinkii sanadka laga wareegay Al-shabaab ayaa u muuqata  in wali go’doomin ay ku hayaan Al-shabaab, taasoo oo ka dhalatay xaalad bana'aadnimo oo soo food saartay dadka ku dhaqan degmada..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya