4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Militariga Kenya oo baaraya kooxo loo haysto dilal ka dhacay gudaha dalkaas

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in lasoo dhoobay xadka uu dalkaas la wadaago Soomaaliya si ay u baaraan kooxo la sheegay in ay ka danbeeyeen dilka 87-ruux oo siyaabo kala duwan loogu toogtay Lamu bishii la soo dhaafay.

Waxaa ciidamada ay bur-buriyeen ilaa afar xero oo la sheegay in weerarradii dhacay laga soo abaabulay, kuwaasoo ku yaalla dhulka kaynta leh ee Boni, iyadoo xeryahaas qaar kamid ah tababar lagu siin jiray xubno taageersan ururka Al-shabaab sida uu daabacay wargayska Daily Nation.

“Ciidamadu waxa ay xaqiijinayaan in kooxahaas aysan meelna ammaan ku ahayn “ayuu yiri Njenga Miiri oo ah guddoomiyaha degmada Lamu, isagoo xusay in howl-gallada lagu ugaarsanayo argagaxisada ay wali socdaan.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradii lagu qaaday magaalooyinka ku yaalla xeebaha Kenya oo uu ku jiro weerarrkii Mpeketoni, iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru uu ku eedeeyay badankood inay soo ababuleen qaar kamid ah siyaasiyiinta dalka.

Dowladda Kenya ayaa ka dhaga-adaygtay baaqii Al-shabaab ee ahaa inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, waxaana madaxweyne ku xigeenka Kenya Ruto  uu sheegay in ay Somaliya joogayaaan inta xal looga helayo kooxha argagaxisada ah.

Ugu dambeyn, waxaa hoos u dhacay 18% dhaqaalihii Kenya kasoo gali jiray arimaha dalxiiska, waxaana dowladdu ay khasaartay lacag dhan 1.4 million sanadkii hore ,iyada oo wali ay sii kordhayaan weerarrada lala beegsanayo xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]