4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Hay’adda Zamzam oo gargaar u qaybisay caruur agoon ah & Dadka danta yar


Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Hay’adda Zamzam Foundation oo ka mid ah hay’adaha maxaliga ah ee ka howlgala Somalia ayaa bisha Ramadaan awgeed waxay gar-gaarro kala duwan gaarsiiyeen qoysaska danta yar ee ku nool gobollada dalka qaarkood.

War kasoo baxay ha’yadda Zamzam ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay tallaabooyinka ay hay’addu kula qaybsanayso shacabka duruufaha dhaqaale ee ay ku jiraan, iyadoo qoraalka lagu xusy in hay’addu ay go’aan ku gaartay inay u gurmato shacabkeeda.

“Gargaar raashin ah ayaan gaarsiinnay kumannaan qof oo Soomaaliyeed oo aan awoodin inay cunnooyin iibsadaan kuna kala nool gobollada, Banaadir, Shabeellooyinka Nugaal iyo  Bari. Cunnadana waa mid qoyskiiba ku filnaan karta muddo bil ah,” ayaa lagu yiri warka ay hay’addu soo saartay.

Cunooyinka ay hay’addu u qaybisay qoysaskan ayaa waxay isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Saliid, Caano iyo Timir, iyadoo loogu talogalay in dadkan ay ka dhigtaan raashinkan mid ay ku noolaadaan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Sidoo kale, hay’adda ZamZam ayaa waxay dharka ciidda iyo lacag caddaan ah u qaybisay qaar ka mid ah 10,000 oo agoon ah ay hay'addu gacanta ku hayso, kuwaasoo gabdho iyo wiilal isugu jira, si ay farxadda maalint ciidda ah ula qaybsadaan carruurta asaagooda ah.

Hay'adda Zamzam Foundation waa hay'ad waddani ah oo xilli kasta u taagan horumarinta iyo u adeeggidda shacabkeeda, waxaana hawlaha ay dalka ka fuliso ka mid ah gargaarka deg-degga ah, waxbarashada, caafimaadka, taakuleynta agoonta, ceelasha biyaha iyo weliba horumarinta qoyska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya