4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Gaari Miineysan oo Xalay ku qarxay Koontarool ku yaalla duleedka Qoryooleey

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Gaari ay ka buuxiyeen waxyaabaha qarxa ayaa xalay ka dhacay koontarool ku yaalla duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qaraxan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo si iskiis ah ugu qarxay bar-koontatool oo Danoow ku taalla.

Sidoo kale, C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ninkan uu ahaa nin makaanik ah oo aad looga yaqaanno gobolka oo dhan, isagoo xusay in lagu qabtay bar-koontaroolka ah ee uu gaarigu ku qarxay. isagoo xusay inay saddex askari oo ku sugnaa koontaroolkaas uu qaraxaas kasoo gaaray dhaawac fudud.

“Ninkan makaanikiga ah gaari yar ayuu waday; wuxuu ka yimid degmada Baraawe, markii uu marayo barta koontaroolka ah ayay ciidamada joojiyeen halkaas ayaana lagu qabtay. Waa la wareystay… wuxuuna sheegay gaariga inuu Xamar u waday uuna ku wareejin lahaa ruuxii ismiidaaminta ku sameyn lahaa,” ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray in ninkan uu sheegay in nin gaariga loo dhiibi lahaa uu ku sugayay isgoyska ex-koontarool Afgooye, si uu howlgalka ugu fuliyo.

“Markii aan weydiinnay taleefoonka iyo magaca ninka uu u waday gaariga, wuxuu inoo sheegay inuusan garanayn, markiiba gaarigii ayaa baarnay si walba waa ka heli weynay waxyaabaha qarxa, balse waxaa la yaab ahayd in uu muddo kaddib si iskiis ah u qarxo,” ayuu Siidii hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ninka ay qabteen lagu magacaabo, Yuusuf Cabdullaahi Khamiisow oo ah makaanik aad loo yaqaanno gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna kasoo jeedaa degmada Baydhabo.

“Waxyaabaha aan la yaabanahay waa sida gaarigan waxyaabaha qaraxa ee xooggan leh loogu soo xiray gaariga iyo halka lagu qariyay, tani waa farsmo cusub oo ay Al-shabaab la yimaadeen,” ayuu mar kale yiri C/qaadir Siidii.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maalin ka hor ay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay howlgallo ay ka sameeyeen Muqdisho kusoo qabteen gaari lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya