4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
DANJIRE MAHIGA: “Waxaa la Joogaa Xilligii Al-shabaab laga Guuleysan lahaa”


Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleysan karo oo keliya hadii caalamku uu is-barbar-taago dowladda awoodda yare e Soomaaliya.

Danjire Mahiga ayaa hadalkan ka sheegay kulan labo maalmood qaatay oo looga hadlayay amniga Bariga Afrika iyo soo bandhigidda aqoonta ciidanka, isagoo sheegay in weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso Soomaaliya iyo dalalka dariska ah aysan macnaheedu ahayn inay awood ahaan mar kale soo noolaadeen.

“Runtii waqti yar ayaa ka haray xilligii laga guuleysan lahaa Alshabaab,” ayuu yiri siyaasigan u dhashay dalka Tanzania ee Agustina Mahiga oo intii u dhexeysay 2010-kii illaa 2013-kii ahaa danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: “Cadaadiska lagu hayo Al-shabaab waa in la sii xoojiyo oo aan laga dabcin, haddii laga dabciyo dib ayay u soo noolaan karaan, sidaa darteed waa in bulshada caalamka ay diyaar u noqoto inay sii wado taageerida howlgallada lagula dagaalamayo kooxdan.”

Sidoo kale, Mahiga ayaa xusay in baahi weyn loo qabo in dib u heshiisiin laga gaaro siyaasadda Soomaaliya. Isagoo yiri: “Xitaa haddii laga guuleysto Al-shabaab waxaa jira arrimo badan oo dhinaca siyaasadda ah oo u baahan in xal laga gaaro.”

Hadalka Augustine Mahiga ayaa imaanaya xilli Al-shabaab ay xoojisay inay qaraxyo iyo dilal ka geysato magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan ay koox Al-shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyada Somalia.

Waa markii ugu horreysay oo danjire Mahiga uu ka hadlo xaaladda Somalia tan iyo markii uu xafiiska Qaramada Midoobay wareejiyay bartamihii 2013-dii kaddib markii xilkaas loosoo magacaabay danjire Nicholas Kay.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli maamusha qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo 22,000 oo askari ka kooban ay isku dayayaan inay Al-shabaab ka saaraan goobaha ay weli gacanta ku hayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya