4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Qarax lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Sarkaal dhinaca saadka u qaabilsanaa guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa ku dhintay laba askari oo la socdayna way dhaawcmeen, kaddib markii gaari ay wateen uu kula qarxay maanta agagaarka Tarabuunka Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaariga askartan wateen, iyadoo qaraxa kaddib ay goobta soo gaareen ciidammo milateri ah, kuwaas oo xiray goobta, halkaasna ka qaaday maydka sarkaalka iyo dhaawaca labada kale.

“Gaari ay wateen ciidammo milateri ah ayaa qarxay mar uu doonayay inuu ka leexdo meel ku dhow isbitaalka Masaarida oo u dhexeeya Tarabuunka iyo isbitaalka Digfeer, waxaa dhintay sarkaal, laba askari oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayay tiri haweeney goobta ka ag-dhaweyd oo warbaahinta la hadashay.

Haweeneydan ayaa sheegtay in gaariga uu ka yimid degmada Afgooye sida ay maqashay, sarkaalka dhintayna ay taqaannay kaasoo ay magaciisa ku sheegtay C/llaahi Ismaaciil, balse saraakiishii ciidamada dowladda ee goobta gaaray ma sheegin magaca sarkaalka dhintay.

Maamulka degmada Hodan oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in lagu dilay sarkaalkii dhinaca saadka u qaabilsanaa guutada shanaad ee ciidamada milateriga Soomaaliya, ayna laba askari oo kale ku dhaawacmeen.

Qaraxa uu ku dhintay sarkaalkan ayaa qayb ka noqonaya qaraxyo joogto ah oo dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho, kuwaasoo lagu xirayay gaadiidka mas’uuliyiinta, xildhibaannada iyo shaqaalaha kale ee dowladda Somalia.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka maanta lagu dilay, balse xubno ka tirsan dowladda ayaa ku eedeeya qaraxyadan oo kale xoogagga Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya