4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Dagaallo Dhex-maray Ciidammada Maamulka Jubba iyo Xoogagga Al-shabaab

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Dagaallo xooggan ayaa gelinkii dmbe ee shalay ilaa xalay fiidkii siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, iyadoo dagaalladani ay u dhexeeyeen ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaallada ayaa waxa ay ka dhaceen degmada Afmadow iyo deegaanka Turkhato oo qiyaastii 30 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, waxaana dagaalladani ay ahaayeen kuwo xooggan oo ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Maxamed Cabdi Raamsade oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineeysay dagaalladii ka dhacay deegaanka Turkhato ayaa sheegay in dagaallo shalay ilaa saaka siyaabo kala duwan uga dhacay deegaankaasi ay ka gaareen guulo.

“Dagaalkii shalay waxaan kula wareegnay deegaanka Turkhato oo Al-shabaab saldhig u ahayd, ciidamaduna dib ayay uga soo gurteen, saakana xiisad ayaa ka taagan deegaanka,” ayuu yiri Raamsade oo warbaahinta la hadlay.

Sarkaalkan ayaa guulo ka sheegtay dagaalladii shalay ilaa xalay, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan dagaallada ka socda galbeedka gobolka J/hoose, waxa uuna intaa ku daray in howlgalladani ay fulinayaan ciidamo dhawaan tababar loogu soo xiray duleedka magaalada Kismaayo.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan dagaalladaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale, dagaallo xooggan oo la isku habeensaday ayaa shalay gelinkii danbe ka qarxay degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, iyadoo dagaalladani ay u dhexeeyeen ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM  iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay degmada Afmadow, waxaana hawada laga saaray isgaarsiintii degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran.

Xiisadahan kasoo cusboonaaday gobolka J/hoose ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda maamulka Jubba ay dhawaan sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhan ah xoogagga Al-shabaab inta ay si buuxda ugala wareegayaan guud ahaan deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya