4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Guddiga Farsamada ee Sameynta Maamulka 3-da Gobol oo xalay la shaaciyay


Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Xaflad looga dhawaaqay guddiga farsamada ee soo dhisi doona maamulka saddexda gobol ee Koonfurta-galbeed Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen munaasabadda oo ahayd afur iyo casho madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo odayaal kasoo jeeda gobollada Koonfur-galbeed ee dalka.

Guddiga farsamada ee sameynta maamulka KMG ah ee goboladda Bakool, Bay iyo Shabeellada Hoose ayaa waxay muddo kooban gudaheed ku diyarin doonaan qorshe dhameystiran oo ku saabsan habka maamulkaas saddexda gobol ka kooban loosoo dhisi iyo sidii lagu dooran lahaa hoggaan.

Saddexda hoggaamiye iyo odayaashii munaasabadda ka qayb-galay ayaa muujiyay farxaddooda ku aaddan sida ay uu ku socdo dadaalka lagu dhisayo maamulka Koonfur-galbeed, waxayna sidoo kale xuseen inay ka go'an tahay fulinta heshiiskii Muqdisho ay ku kala saxiixdeen labadii garab ee midoobay.

“Tani waa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dadaalladeenna ku aaddan gaarista Soomaaliya oo federaal iyo dimuqraaddi ah. Hadafkeenu waa inaan dawladda u soo dhaweynno shacabka oo aan taageerno midnimada. Hawshan waa ay adkeyd, laakiin waxaan markii dambe ku guuleysannay iskaashigeennii waanan ku wada faraxsannahay natiijada. Waxaan caawa isugu nimid inaan ka hambalyeeyno dadaalkii badnaa ee lagu bixiyay heshiiskii la gaadhay iyo sameynta guddiga farsamada oo fududeyn doona sameeynta maamulka KMG ah ee gobollada Koonfur-galbeed,” ayuu yiri madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud oo xafladda ka hadlay.

Ra’iisul wasaaraha oo isna ka hadlay xafladda ayaa yiri: “Waxaan jeclahay inaan u ham-balyeeyo xubnaha guddigan oo aan u rajeeynayo inay guul ka gaaraan shaqada muhiimka ah ee sugaysa. Waxaan ballan-qaadayaa inaan taageero buuxda siiyo hannaankan; waxaana guddiga xasuusinayaa inay xukuumadda federaalka ah si buuxda uga go’an tahay in guul laga gaaro hawshan oo aad muhiim ugu ah in dalkeenna uu ku guuleysto nidaamka federaalka iyo in dalka laga sameeyo gobollo Soomaaliyeed oo federaal ah. Golahayga Wasiirrada iyo aniguba waxaan ku faraxsannahay inaan guddigan kala shaqeeyno gaarista hadafkaas muhiimka ah.”

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo isna hadlay ayaa xukuumadda uga hambalyeyay sida ay ugu dadaalayso sidii nimaadamka federaalka ah looga hirgelin lahaa dalka.

“Waxaan xukuumadda uga hambalyeynayaa guushan siyaasadeed ee laga gaaray heshiiska. Tani waxay matalaysaa asaaska sameeynta maamul-goboleed KMG ah, waxaanan rajeynaynaa inay guddiga farsamo ku guuleysan doonaan fulinta qorshaha lagu sameynayo maamul KMG ah oo loo dhan yahay.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya