4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 17, 2014
Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo gudaha u galay Jowhar muddana ku sugnaa

Khamiis, July 17, 2014 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay xalay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, kaddib weerareen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmadaas, iyagoo muddo koobanna la wareegay gacan ku haynta goobo muhiim ah.

Gudaha degmada Jowhar ayaa mar keliya lagu soo baraarugay iyadoo bariga degmada ay k dhacayso rasaas xooggan, halkaasoo ay ku yaallaan fariisimo ay ciidamada dowladdu leeyihiin.

Dadka ku nool Jowhar ayaa sheegay in rasaasta kaddib ay maqleen dhawaaq Takbiir ah, taasoo ay ku dhawaaqayeen xoogaggii Al-shabaab ee degmadaas qybo ka mid ah gudaha u xalay xalay.

Sidoo kale, shacabka degmada Jowhar ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay nus saac ku sugnaayeen xaafado ka tirsan degmada Jowhar ayna markii dambe si iskood ah isaga baxeen, iyadoo aysan jirin cid la dagaalantay.

Jowhar oo ka mid ahayd degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday sannadkii 2012 ayaa waxay tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay kusoo galaan gudaha degmadaas tan iyo markii laga qabsaday.

Iska-horimaadkii ka dhacay bariga magaalada Jowhar ayaan weli la ogeyn khasaarihii nafeed ee ka dhashay, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli degmadaas lagu soo rogay bandow habeenkii ah.

Maamulka degmada Jowhar, kan gobolka iyo saraakiisha ciidamada ayaan ka hadlin weli falkii xalay ay Al-shabaab ku galeen qaybo ka mid ah Jowhar, waxaase ay tani qayb ka noqonaysaa falalka ay Al-shabaab ka geysanayso qaybo ka mid ah dalka tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya