4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Kooxo hubeysan oo Haweeney Ganacsato ahayd ku toogtay Suuqa Bakaaraha

Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa gellinkii dambe ee maanta ku dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha haweeney ka mid ahayd haweenka ganacsiyada ku leh suuqaas.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo koobay Seynab ayaa toogtay laba dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan.

Toogashada lagu dilay haweeneydaan ayaa waxay ka dhigaysaa tii afaraad oo lagu dilo Muqdisho muddo laba toddobaad gudahood ah, iyadoo aan weli la ogaan sababaha haweenkan loo toogtay.

Ma jirto cid loo qabtay dilka haweeneydan iyo kuwii ka horreeyay iyadoo tani ay walaac gelisay ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo inta badan goobaha ganacsiga suuqa la xiray dilka kaddib.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowladda kuwaasoo loogu talo-galay in laga ilaaliyo ammaanka suuqa iyo ganacsiga dhex-yaalla.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka kaddib aysan ciidamadu gaarin halka uu dilku ka dhacay, iyadoo maydka haweeneydan ay goobta ka qaadeen qaar ka mid ah ehelladeeda oo goobta soo gaaray xilli dambe.

Al-shabaab ayaa dhawaanahan ku hanjabaysay inay kordhin doonto howl-galladeeda Muqdisho, halka saraakiisha hay’adaha dowladdu ay iyaguna ka dhawaajiyeen inay ammaanka caasimadda adkeynayaan.

Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka ay toogasho ku fulisay laba dhallinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen dil gabar ardayad ahayd loogu geystay Muqdisho bishii Abriil ee sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya