4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Booliiska Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howlgal ay kusoo xireen 200-qof


Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgallo ay kusoo xireen 200 oo qof ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Col. Axmed Cali ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaannada lagu soo qabqabtay dadkan ay ka sameeyeen guryo iyo goobo ganacsi lagu tuhmayay inay joogeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

“Howlgalladu way sii soconayaa illaa aan joojinno falalka argagaxiso ee ay Al-shabaab ka geysanayso magaalada Muqdisho,” ayuu Col. Axmed Cali u sheegay warbaahinta maanta oo Arbaco ah.

Col. Axmed ayaa sheegay in qorshaha howlgalkoodu uu sidoo yahay inay ka sifeeyaan caasimadda kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab ee dhuumaaleysiga ku jooga.

Dadka lagu soo qabqabtayo howlgalkan ayuu sheegay inay yihiin dhallinyaro looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab iyo kuwo la hubo, isagoo xusay inay baaritaanno ku sameyn doonaan kuwa shakiga laga qabo.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay falal kala duwan oo isugu jira, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geysanaysay tan iyo markii ay billaabatay bishan Ramadaan qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Bishan sideeddeedii ayay ahayd markii xoogag k ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen weerar xilli maqrib ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo uusan jirin mas’uul dowladda ka tirsan oo waxyeello la gaarsiiyay.

Mid ka mid ah kooxihii weerarkaas qaaday ayaa sheegay in qorshahoodu uu ahaa inay dilaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo ku sugnaa xilligaas xarunta madaxtooyada, inkastoo madaxweynuhu uu halkaa ka maqnaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ku baaqaysa inay weerarro kale ka geysan doonaan magaalada Muqdisho, iyagoo xusay inay beegsan doonaan xarumo kala duwan isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya