4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Rugta Ganacsiga oo soo Ban-dhigtay Cilmi-baarista Shirkadaha iyo Shaqada


Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Xarunta Rugta Gancasiga Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay maanta kulan looga hadlayay sidii la isu waafajin lahaa cilmi-baarista ay sameeyaan aradayda jaamacadaha iyo baahida cilmi-baariseed ee shirkadaha.

Kulanka oo uu daah-furay agaasimaha Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoore ayaa lagu soo bandhigay shan arday oo Rugtu gacan ka siisay buugga qalin-jabinta, kuwaasoo noqday kuwii ugu horreeyay oo wax ka qoray su’aalaha uu ganacsiga dalku qabo, loona kulansiin lahaa cilmiga iyo xalka uu u baahan yahay ganacsiga dalka.

Arrimaha ay ardaydan shanta ah wax ka qoreen ayaa waxaa ka mid ah:

1. Shirkadaha markiiba suuqyada ganacsiga ka baxa maxaa u sabab ah
2. Saamaynta uu maamulku ku leeyahay wax soo saarka ama faa’iidada
3. Maxaa saameeya tayada shaqada
4. Qanacsanaanta shaqaalaha iyo shaqada

Ciwaannadan oo Rugtu Ganacsigu dooratay, xogtana la raadisay shantan arday ayaa waxaa kala shaqeeyay jaamacadaha, waxaana howshan ay noqotay mid ku dayasho mudan oo ay billowgeeda leedahay Rugta Ganacsiga.

Sidoo kale, agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay inay ku talo-jiraan in sanad walba 10-ka arday ee ugu wanaagsan jaamacadaha ay fursaddan oo kale siiso, kaddibna kala shaqayso sidii ay shaqo u helli lahaayeen, iyadoo marka hore ardayda laga doonayo inay u helaan jawaabo su’aalaha shirkadaha dalka horyaalla sannadaha soo socda.

Ardaydu waxay wax ka qori doonaan shirkadaha dhexdooda si ay fursado shaqo uga helaan, sida ka jirta dunida kale, waa isku-day higalay oo Rugtu soo bandhigtay Arbacada maanta ah.

Waxaa kaloo ardayda lagala shaqeyn doonaa sidii ay sanad ah ugu tijaabin lahaayeen aqoontooda shirkadaha, si markaa kaddib shirkadaha shaqooyinka bixiya ay u ogaan lahaayeen inuu ardaygu leeyihiin khibrad shaqo oo hal sano ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya