4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Ganacsade ku eedeeyay Maamulka gobolka Banaadir inuu hanti ka burburiyay


Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Ganacsade Daahir Maxamed Aadan (Daahir Bakiin) ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir inay burburiyeen hanti uu lahaa 22-kii bishii hore, isagoo sheegay in burburinta hantidiisa loo adeegsaday awood dowladeed.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ganacsadahan ayuu ku sheegay in lagu xad-gudbay hantidiisii iyo muwaadinnimadiis, isagoo soo bandhigay cadeymo uu sheegay inuu ku lahaa milkiyadda dhulka oo ku yaalla isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir aya markii ay burburinayeen dhismayaashan waxay sheegeen inay ahayd goob ay leedahay dowladda hoose oo si aan sharci ahayn lagu dhistay, ayna howshan qayb ka tahay dib u soo celinta hantidii dowladda hoose ee intii uu burburku jiray sida sharci-darrada ah loo dhistay.

Haddana shirka jaraa’id ee uu qabtay ganacsade Daahir Bakiin sidan ayuu u qornaa:


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya