4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay ciidan dheeraad ah u soo dirayso Somalia

Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Dowladda Jabuuti oo qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay inay ciidammo dheeraad ah ku darayso kuwii horay ug sugnaa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay in 950-askari ay u diri doonaan dhawaan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidanka kaga sugan gobolka Hiiraan ee qaybta ka ah AMISOM.

“Waxaa diyaarinay ciidammo dhawaan la geyn doono Somalia, waxaana marka hore u diri doonnaa 450-askari, labo bil kaddibna waxaa u diraynaa 500 oo kale,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in ujeedddada ay u dirayaan ciidamadan ay tahay inay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ku sheegay in ay dhibaato ku yihiin nabad ka dhalata Somaaliya oo burbur ku jiray 23-sano oo xiriir ah.

“Ujeedka aan ciidamadan u dirayno waa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kuwa nabadda diiddan, waxaana ciidamadeenna iyo kuwa kale ee AMISOM ku amaanaynaa dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabd ku noqon lahayd,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa xusay inay xoojiyaan ammaanka Jabuuti, kaddib weerar is-miidaamin ah oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo bishii May ka dhacay magaalada Jabuuti.

“Amniga Jabuuti waan ka adkeynaynaa sidii hore, cid walba oo aan saaxiib nahay waan la kaashanaynaa xogaha ku saabsan kooxda halista ah ee Al-shabaab, si aysan dhibaato kale uga geysan halkan,” ayuu Yuusuf ku yiri hadaliisa.

Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay lixda dal ee Afrikaanka ah ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwasoo dowladda Soomaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiro Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya