4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
COL. XUMAD: “Waxaan Sameynay Howlgallo lagu Fashiliyay Qaraxyo”


Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Afhayeenka ciidmada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay Muqdisho ka fuliyeen howlgallo ay kaga hor-tageen qaraxyo la doonayay in la fuliyo, isagoo sidoo kale sheegay inay howlgallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah gobollada dalka ay dhibaato ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay inay maalin iyo habeen socon doonaan howlgallada inta laga amniga la sugayo, wuxuuna xusay in howlgalladan ay intooda badan ka sameeyeen demooyinka Hodan iyo Waaberi.

“Howlgallo ay wadajir uga sameeyeen Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu fashilliyay qaraxyo la doonayay in ammaanka wax loogu dhimo, waxaana ka mid ah waxaan qabanay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in dhibaaato lagu geysto,” ayuu afhayeenku ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dadkii gaariga miinooyinka ku xirayay iyo kuwii ka dambeeyayba gacanta lagu hayo, ayna sii socon doonaan howlgallada noocan ah inta aynu ka qabanayno kuwa ku howlan falalka qarbudaadda ah.

“Koox walba oo nabadda wax u dhimaysa innagu waan kasoo horjeednaa, maalin iyo habeen ayayna howlgalladu soconayaa, shacabkana waxaan ka doonaynaa inay gacan nagu siiyaan howlgallada aan wadno,” ayuu mar kale yiri Col. Xumad.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgallada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo ka bedelen kuwii hore, ayna ciidamadu xilli walba heegan ugu jiraan sidii ay u tegi lahaayeen meel walba oo amni-darro laga soo sheego.

Dhanka kale, wuxu sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya gobollada Jubbada Hoose, Bay, Gedo iyo Bakool, kuwasoo ay kaga hortageen xubno ka tirsan Al-shabaab oo damacsanaa inay dhibaatooyin geystaan.

“Toddobaadkii howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen tuulo lagu magacaabo Bus-bus oo 100-km u jirta Kismaayo waxaan ku laynay kooxo Al-shabaab ka tirsan oo shacabka isku dhex-qarinayay, waxaana laga qabtay qalab aad u fara badan,” ayuu yiri Col. Xumad.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in lagu guuleystay in la gaarsiiyo shacabka ku nool deegaannada u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur gargaar kala duwan oo ay dawo ku jirto, taasoo qayb ka ah kaalmada aanu la garab-taagannahay shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya