4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Gobollo ka mid ah Soomaaliya oo lagu arkay xanuun cusub iyo QM oo ka digtay

Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa lacag gaaraysa $1.4 million Dollar  ugu tala-gashay in wax looga qabto cudurka Measles oo la sheegay inuu ka dilaacay qaybo kamid ah gobollada Soomaaliya sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

Waxaa lacagtan loogu caawin doonaa dad ku dhow hal milyan oo ruux oo u badan caruur ay da’doodu ka hoosayso shan sano jir, iyadoo Farhan Haq oo kamid ah afhayeennada Qaramada Midoobay uu sheegay in jawaab laga bixin doono xanuunkan.

Maamulka Puntland gobolo kamid ah, jubada hoose iyo gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu arkay kiisas la xiriira cudurkan bilihii Maarso iyo Abriil, iyadoo laga dayrinayo xaaladda ay ku sugan-yihiin kumanaan caruur ah oo Somaliya ku nool.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta arimaha bini’aadanimada ayaa warbixin ka soo baxday lagu sheegay in ilaa 1,000 kiis oo kaliya lasoo ogaaday bishii shanaad ee sannadkan, waxaana lagu baaqay in wax looga qabto sida ugu haboon.

“Waxa gar-gaarkan uu ka hortagayaa in xanuunkan u ku sii fido goobo kale,“ ayuu yiri Philippe Lazzarini oo ah is-uduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Soomaaliya  oo ka hadlayay xaaladda jirta.

Ugu danbayntii  Dr. Ghulam Popal oo ah wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa sheegay in xanuunkan uu dhibaato ka baaxad weyn tan hadda uu keeni karo hadii aan laga hortagin ,waxaana uu tilmaamay in ay socdaan dadaallo lagu hubinayo sidii loo dhimi lahaa cudurkan khatartiisa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]