4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Kulan lagu Cambaareeyay Falalka Al-Shabaab ay geysnayso Bisha Ramadaan


Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen wadaaddo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca oo ka dhacay Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay weerarrada ay Al-shabaab fulinayso bisha Ramadaan.

Kulankan oo ay soo agaasintay CCD ayaa waxaa ka qayb-galay macalimiinta dugsiyada Qur’aanka iyo waxgarad, waxaana looga hadlay waxay diintu ka qabto baneysiga dhiigga qofka muslim ah.

Macallin Ciise C/raxmaan oo ugu horreyn ka hadlay kulankan ayaa sheegay in bishan ay tahay bil xurmad leh oo mudan in la kordhiyo cibaadada iyo kheyrka, isla markaana aanay ahayn bil is dil.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Shuqul ayaa sheegay in bishan Ramadaan ay tahay bishii uu soo degay Qur’aanka Kariimka, isla markaana la faray Nabi Muxumad (NNKH) inuu jihaad galo, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya uu ku dhacay dhaqa- geddis, maadaama dadka la dilayo bil Ramadaan.

Isagoo sii halaya ayuu sheegay in wixii wanaag ah ee diintu na fartay loo bedelay xumaan, isla markaana dadkii lagu dilayo, isagoo dhalinyarada ku sheegay kuwo laga lumiyay dariiqii wanaagsanaa.

Kulanka ayaa waxaa kaloo ka hadlay, Sheekh Muuse Cagaweyne oo sheegay in amni kasta oo lagu baaqo la keenay wax lid ku ah, waxaana uu tilmaamay inay tahay fikir khatar ah oo dad badan dhiiggooda lagu baneystay.

Sheekh Maxamed Jaamac ayaa sheegay in diinta Islaamka aanay banaaneyn ruux naftiisa in gooya, si uu umad kale u laayo, wuxuuna xusay in aakhiro la soo bixinayo isagoo sidii uu naftiisa u gooyay oo kale.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa sheegay in qofka muslimka lagu dili karo kaliya saddex qodobada dhowr ah oo ay ka mid yihiin inuu naf kale dilay, marka xad laga oofinayo oo ah haddii uu sineystay oo kale asigoo guur soo maray iyo markii uu diinta ka baxo in la dilo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya