4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo Dagaallada Deefoow

Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo ku hadlayay magaca xukuumadda Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda duleedka degmada Baladweyne ee u dhexeeya dadka walaalaha ah.

C/weli Sheekh ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalladii ka dhacay deegaanka Deefoow oo Waqooyi kaga beegan Baladxweyne, isagoo xusay in loo baahan yahay in wixii khilaafaad ah ee jira si nabadgalyo lagu xalliyo lana joogo dagaalka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa colaaddan kuln deg-deg ah kala yeeshay guddiyada siyaasadda iyo amniga ee golaha wasiirrada, iyagoo si wadajir ah u muujiyay in dagaal beeleedkaas ay aad uga xun yihiin ayna ka sii xun yihiin inuu dhacay iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in wafdi heer wasiir ah loo diro deegaankaas si ay xabbad-joojin u dhex-dhigaan beelaha dagaalku u dhexeeyo, la iskuna keeno si ay uga hadlaan khilaafkooda colaad la’aan.

“Runtii waxaa dhammaanteen aad noo damqisay inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex-maray beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Hiiraan. Waxaan maanta la kulmay guddiyada golaha wasiirrada ee arrimaha siyaasadda iyo amniga Qaranka; waxaanan isku raacnay inaan wafdi heer wasiirro ah u dirno deegaankaas si ay u fududeeyaan wada-hadalka iyo sidii colaadda loogu bedeli lahaa nabad,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia.

Isago osii hadlayay ayuu intaa ku daray: “Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku sugan Hiiraan inay dhab uga fekeraan dhibaatada ay leedahay in la door bido in dagaal lagu xalliyo khilaaf. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn.”

“Bishan barakeeysan ee Ramadaanka waa waqti loogu talo-galay cibaado iyo tawbad, waxaana ka murugooday inaan maqlo dhimashada iyo burburka ka dhashay colaaddan; aan xasuusanno in dhammaanteen ay dantu noogu jirto inaan wada-hadalno oo aan iska afgarano khilaafadkeenna. Xukuumadda Soomaaliya wax dadaal ah kama hagranayso inay xal nabadeed u raadiso khilaafkan waxayna ugu baaqeeysaa labada dhinac inay si buuxda uga qayb qaataan dadaallada nabadeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay C/weli Sheekh.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqaya hay’adaha gar-gaarka bani’aadamnimo inay wixii kaalmo ah oo loo baahdo u fidiyaan dadka ay colaaddu saameysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya