4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir oo ku baaqay Amni iyo Al-shabaab oo Hanjabtay

Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Somalia ayaa ku baaqay in amniga Muqdisho ay shacabka iyo ciidanku si wadajir ah uga shaqeeyaan, iyadoo mamulka Al-shabaab ee Muqdisho ay ku hanjabeen iyaguna inay weerarro cusub.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo warfidiyeenka kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaybaha bulshadu ay gacan ku siiyaan hay’adaha amniga sidii ammanka loo xoojin lahaa.

“Si amni buuxa loo helo waa lagama maarnaa in hay’adaha amniga ay gacan ka helaan shacabka ku nool caasimadda, haddii aan la iskaashanna ma dhici karto in amniga la sugo,” ayuu yiri Jen. Muun-gaab.

Hadalka duqa Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhawaan dowladda ay is-bedello ku sameysay saraakiisha hay’adaha Amniga dowladda, taasoo lagu sheegay inay qayb ka tahay xoojinta ammanka dalka iyo kan caasimadda.

Dhana kale, wakiilka Al-shabaab ugu magacaaban gobolka Baaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay dar-dar-gelinayaan weerarrada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Wakiilka ayaa xusay inay fashiliyeen barnaamij la doonayay in amniga guud ee Muqdisho lagu adkeeyo, isagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladda Somalia aysan xaqiijin karin nabadgalyada caasimadda Soomaaliya.

“Qorshayaasheenna ku aaddan weerarrada Muqdisho waa kuwo is-daba-joog ah, waxaana dhawaan la arki doonaa meelo muhiim ah oo la beegsaday, si la mid ah kuwiii horay u dhacay oo kale,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Al-shabaab ayaa weerarro kala duwan ka geysatay Muqdisho tan iyo markii ay billaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana goobahaas ka mid ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya