4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 16, 2014
Iska-horimaad khasaare geystay oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooley

Arbaco, July 16, 2014 (HOL) — Isk-ahorimaadyo u dhexeeyay ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay xalay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalladan oo cuslaa ayaa geystay khasaarooyin kala duwan, waxayna billowdeen kaddib markii xoogag Al-shabaab ka tirsn ay weerareen fariisimo ay kaga sugnayeen ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha nafeed ee dagaalkaas uu dhaliyay aya haddana wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in la arkay dhimashada shan qof oo dhincyadii dagaalamay ka tirsan, dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada; Maanyo-mudug, Farxaane iyo Cabdi Cali oo dhammaantood hoos-yimaada degmada Qoryooley ayaa sheegay in iska-horimaadyadii xalay ay saamey xooggan ku yeesheen.

Sidoo kale, guddoomiyaha maamulka degmada Qoryooleey, Maxamed Xaaji Cismaan oo ka warbixiyay dagaalladii xalay ayaa sheegay in jab xoog leh lagu gaarsiiyay xoogggii ka tirsanaa Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ma uusan sheegin guddoomiyuhu khasaaraha inta uu le’eg yahay, laakiinse wuxuu xusay inay jiraan khasaarooyin soo kala gaaray labada dhinac, ayna xaaladdu maanta tahay mid deggen.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay iska-horimaadyadaas ayaa sheegtay inay ahaayeen kuwo qorsheysan ayna guulo ka gaareen, balse dhankooda ma jiraan wax faahfaahinno ah oo ay ka bixiyeen khasaarihii nafeed ee ka dhashay dagaalladaas.

Degmada Qoryooleey ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii sannadkan laga qabsaday Al-shabaab, waxaana tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen ka dhacayay iska-horimaadyo khasaare geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya