4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Ciidanka deg-dega ah ee dalalka Bariga Afirka oo diyaar noqonaya Sannadkan


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Dowladaha Bariga Afrika ayaa shaaciyay inay ciidamada gurmadka deg-degga ah ee ay sameysanayaan ay diyaar noqon doonaan bisha December ee sannadkan, kuwaasoo tiradoodu tahay shan kun oo askari ah oo si deg-deg ah uga jawaabi kara khilaafaadyada ka dhaca dalalka gobolka.

Taliyaha ciidamada gurmadka deg-degga ah ee Uganda Major-Gen, Francis Okello ayaa shaaciyay in ciidamadan ay ahaan doonaan kuwo awood leh oo isticmaalaya tangiyo iyo noocyada kale ee hubka, ayna diyaar noqonayaan sannad ka hor wakhtiga ururka Midowga Afrika uu u qabtay gobollada ay ka kooban tahay Qaaradda Afrika inay dhistaan gurmad deg-deg ah.

Ciidamadan la diyaarinayo ayaa ka kala imaan doona, waddamada kala ah Uganda, Soomaaliya, Rwanda, Kenya, Burundi, Suudaan, Itoobiya, Jabuuti, Siishilis iyo jasaiiradaha Komooroos.

Sidoo kale, taliyaasha ciidamada dalalka Bariga Afrika ayaa qabtay tababaro xiriir ah oo lagu kobcinayo awoodda ciidamada, booliska iyo waaxda rayidka ah tan iyo markii dalalka Bariga Afrika billaabeen inay dhistaan ciidammo si gaar ah u howlgala.

Major Gen Okello ayaa intaas ku daray in haddii ciidamadan ay xilli hore diyaar ahaan lahaayeen loo isticmaali lahaa ka hortagga colaadaha ka jira Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, wuxuuse xusay in fikirka dhismaha ciidankan uu weli yahay mid wax-tar leh.

Dalalka Bariga Afrka ayaa waxay haatan qayb ka yihiin ciidamada howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya ku sugan (AMISOM), iyadoo aan la ogeyn in ciidamadan ay bedeli doonaan kuwan iyo inay kala howlgeli doonaan gudaha Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska lagu dhisyo ciidamada gurmadka deg-degga ah u saxiixay dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya