4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
COL. TUURYARE: “Qofkii ay Al-shabaabnimo ku Caddaato Xukunkiisu waa Dil”


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa sheegay in sharci adag ay kasoo saareen qofkii ka tirsan Al-shabaab oo ay gacanta ku dhigaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu fulin doonaan dil toogasho ah.

Col. Tuur-yare ayaa intaas ku daray in markii ay dib u eegeen qaanuunka dalka u yaalla, ayna la tashadeen sharci-yaqaannada ay go’aansadeen in wixii hadda ka dambeeya ay dil toogasho tahay qofkii Al-shabaab ka mid ah ee la qabto.

“Markii aan dib u eeegnay sharciyada dalka, sharciyaqaano Somali ahna aan la tashannay, qofkii ay  caddaato inuu Al-shabhaab ka tirsan yahay dil toogasho ah ayuu mudanayaan, naguma daahayo, waxaa dhici jirtay inay maxkamaduhu ku xukumaan laba sano oo xabsi ah iyo wixii la mid ah; taas inay dhiiirri-gelin tahay ayaan u aragnay, markii la sii daayana uu dib ugu laabto howlihiisii,” ayuu Col. Tuur-yare ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay sharci-darro tahay in laga mid noqdo urur argagaxiso ah; isla markaana sharciga ay la tiigsan doonaan ciddii lagu helo ama ka tirsan koox argagaxiso ah uuna mudanayo dil deg-deg ah, isla markaana ay tahay wax caalamka oo dhan ka jira.

“Qorkii koox argagaxiso ah ka tirsan in la xanuujiyo oo sharciga lala tiigsado waa arrin wanaagsan, dalka dagaal ayuu ku jiraa, Al-shabaab qaanuun ayaa loo hayaa, waa qof dad dili rabay, marka isagoo qofkuu dili lahaau socda oo uusan dilin waxay la mid tahay inuu dilay,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Tuur-yare.

Guddoomiyaha ayaa farriin u diray dadka ka midka ahaa Al-shabaab, isagoo ugu baaqay inay kasoo baxaan ayna isi soo diiwaan-geliyaan, si waxbarasho loogu furo.

“Kaa yeeli mayno adigoo Shabaab lagugu ogaa, inaad maanta tiraahdo waan ganacsanayaa, waa inaad isi soo diiwaan-gelisaa, markaad isi soo diiwaan-geliso, wixii lagugu shubay ayaa laga daadinayaa, waxbarasho ayaa laguu dirayaa. Madaxweynaha dalku wuxuu ku baaqay in qofkii Al-shabaab kasoo baxa uu cafis yahay taas ayaana raacaynaa,” ayuu Col. Tuur-yare ku daray hadalkiisa.

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ku fulisay labo wiil oo ku eedeeysnaa inay dileen Nadiifo Cismaan Salaad oo ahayd gabar ardayd ah oo ka qalin-jabisay Jaamacad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya