4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Baabuur Waxyaabaha Qarxa lagu Xiray oo ku Qarxay Degmada Xamar-weyne

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Baabuur waxyaabaha lagu xiray ayaa gellinkii dambe ee maanta ku qarxay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, gaar ahaan bacadlaha, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo uu geystay.

Gaarigan ayay wararku sheegayaan inuu lahaa mid ka mid ah saraakiisha ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, iyadoo inta uu qarxin ka hor la ogaaday inay waxyaabaha qarxa ku xiran yihiin.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in gaariga qarxa lagu xiray ay ka war-heleen intii uusan qarxin, kaddibna ay ku wargeliyeen ciidamada ka hortagga qaraxyada, balse uu iskiis u qarxay intii aanu howlgalka billlaaban.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in goobta gaariga uu yaallay ay ciidamadu xireen ka hor intii aanu qarxin, iyadoo ciidamada AMISOM ay goor dambe gaareen goobt uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay leeyihiin saraakiisha dowladda iyo kuwa ay wataan dadka shacabka ah ayaa kusoo badanayay xilliyadii dambe Muqdisho, iyadoo horay qaraxyo noocan oo kale oo dhacay ay u sheegatay Al-shabaab.

Saraakiil iyo xildhibaanno dowladda ka tirsan ayaa horay uga badbaaday isku-dayo noocan oo kale ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo, halka kuwo kalena lagu dilay qaraxyo gaadiidkooda gaarka ah loogu xiray.

Illaa had ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa gaariga uu lahaa sarkaalka ka tirsan ciidamada dowladda ku xirtay qarxa, balse mas’uuliyiinta dowladda ayaa falalka noocan oo kale ah ku eedeeya Al-shabaab.

Degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa ah degmada ay inta badan ka dhacaan qaraxyada lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay, iyadoo dhawaan qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay wariye ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya