4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xariga ka jaray Xarunta Wasaaradda Ganacsiga


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, C/weli Sheekh Axmed oo ay wehlinayeen xubno golaha Wasiirrada ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Somalia oo dhawaan dayactir lagu sameeyay.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sidoo kale kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha wasaaradda uu ka kooban yahay, wuxuuna kulan kula yeeshay shaqaalaha wasaaradda, isagoo ka qaybgaleen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Wasiirka ganacsiga iyo warashadaha Somalia, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo kulanka ka hadlay ayaa ra’iisul wasaaraha faahfaahin ka siiyay dib u dayactirka lagu sameeyay xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha.

Intaa kaddib C/weli Sheekh ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay dalka u leedahay wasaaaradda ganacsiga iyo warshadaha, isla markaana ganacsiga oo hagaaga uu la mid yahay wax-soo-saarka dalka oo sii xoogeysta; taasina dalka uu ku gaarayo koboc dhaqaale.

Sidoo kale, C/weli Sheekh ayaa ku dhiirri-geliyay shaqaalaha wasaaradda in ay sii xoojiyaan dhaqaalaha dalka, isagoo kula dar-daarmay ganacsatada Soomaaliyeed inay badeecadaha ay dalka keenayaan noqdaan kuwa wax-tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay marxaladihii ay soo mareen shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay wasaaradaha dalka inay ku dadaalaan kor u qaaddida iyo horumarinta dalka.

Dhismaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxaana dayactirkeeda uu socday muddo saddex bilood ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya