4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Madaxweyne ku xigeenka Jubba oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba, Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu horkacayo oo mudooyinkii dambe ku sugnaa gobolka Gedo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.

Wafdiga madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay wasriiro ka tirsan maamulka Jubba, Siyaasiyiinta, saraakiil ciidan, odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo Haween.

Soo dhaweyn ka dib ayaa wafdigii madaxweeynaha iyo masuuliyiintii soo dhaweysay waxa ay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa soo dhaweey madaxweeynaha iyo wafdigiisa, isagoo guul ku tilmaamay dadaalladii uu hormuudka u ahaa madaxweeynaha ku xigeenka ee lagu xaliyay colaadihii ka jiray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Goobta ayaa waxa sidoo kale ka hadlay madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasoo dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyay wafdiga madaxweeynaha, iyagoo ku ammaanay dadaalladii nabadeed ee uu ka sameeyay gobolka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka oo ugu danbeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudadii uu ka maqnaa gobolka ay wax badan usoo qabsoomeen, isagoo sheegay in sidoo kale ay kusoo guuleysteen in ay mideeyaan ciidamadii iska soo horjeeday ee ku dagaalamay gobolka Gedo.

Dhinca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in marka ay dhamaato bisha barakeeysan ee ramadaan ay bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin doonaan gobolka J/dhexe oo ay si buuxda gacanta ugu heeyso Xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Kismaayo, Soomaaliya