4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Taliyaha Ciidamada Jabuuti oo ka War-bixiyay Dagaalkii ka Dhacay Deefoow

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidanka Jabuuti ee qeybta ka howlgalka ururka Midowga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad ayaa ka hadllay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaannka Deefoow ee dulleedka ka ah magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen ku dhawaad 11 ruux.

Col. Dubad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xiligan gobolka ka soo cusboonadaan mar kale dagaal ku dhisan hab qabiil, waxaana uu sheegay in marar badan isku dayeen dhinacooda in ay wada hadal ka gallaan khilaafka labada dhinac laakiin lala fahmi waayay.

“Runtii waan nasiib darro in wali dhiig lagu daadinayo hab qabiil, annaga marar badan ayaa isku deynay in la soo afjaro khilaafka labada beellood, waad og-tihiin inta jeer ee aan tagnay deegaannada maanta ay dagaallada ka dhaceen, waxaan isku deynay in aan isa soo hor fariisino waxgaradka labada beellood, siddoo kale dowladda dhexe ayaa soo fara-galisay siddii deegaannadaa loo nabadeyn lahaa, laakiin dadaaladaa oo dhan waa nalala fahmi waayay,” ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Waxaa uu sheegay in dagaallka maanta ka dhacay duleedka Beledweyne muujinayo biseyl la’aanta umada Soomaaliyeed oo sidda uu sheegay aan aheyn dad doonaya in ay horay u socdaan.

Sidoo kale, nabaddoon Max'ed Cabdi Raaxooy oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallka, waxaana uu dhinaca kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay soo faragaliso xal u halida khilaafka labada beellood.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa marar badan oo hore isku dayay siddii loo dhameyn lahaa colaada labada dhinac kaddib kulamo kula duwan oo ay la qaateen odayaasha iyo waxgaradka labada beellood, laakiin waxaa muuqata in isku day kasta oo la doonayay in lagu dhameeyo colaada uu fashil ku soo dhamaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya