4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
SHEEKH ABUU MUSCAB: Ma joojin doonno Howlgallada aan ka wadno Muqdisho

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegaay maanta inay sii wadi doonaan ballan-qaadkoodii ahaa inay ka geysn doonaan caasimadda Soomaaliya weeraro ballaaran inta lagu jiro bisha Ramadaan, howl-galladaasuna waxaa lagu bartilmaameedsan doonaa xarumaha dowladda iyo kuwa kale ee cadowga.

Sheekh Abuu Muscab ayaa xusay inay sii wadi doonaan beegsiga askarta iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya, ayna ku dili doonaan meel walba oo ay ku arkaan, isagoona intaas ku daray inay ku guuleysteen maalmihii Ramadaan ugu horreeyay inay halbowlaha jareen cadowga Islaamka oo uu ula jeeday dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee caawinaya.

"Ilaahay fadligiis waxaan ku guuleysannay inta badan ballantii aan horay u qaadnay ee ahayd in inta lagu jiro bisha Ramadaan aan naafeyn doonno cadowga. Maanta cadowga halbowlayaasha ayaan jarnay si uu u dhiig baxo. Inta ka harsan bishanna howlgalladu way sii socon doonaan," ayuu Sheekh Abuu Muscab ku yiri hadalkiisa.

Maalmihii ugu horreeyay bisha barakeysan ee Ramadaan ayuu sheegay inay weerarro kala duwan ka geysteen Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen baarlamaanka iyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

"Bisha Ramadaan maanta kala bar way dhaaftay, waad arkeysaan, sida uu u dhiig-baxayo cadowga, waana sii socon doonaan. Madaxtooyadiisii ayaa ka mid ahayd goobaha la weeraray oo mujaahidiintu ay gudaha u galeen, taliye-yaashii sirdoonka iyo kuwa ciidamada ayaa la laayay,waana sii socon doonaan howlgallada lagu beegsanayo cadowga," ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Ugu dambeyn, afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa hadalkiis kusoo af-jaray inay xoogaggoodu diyaar u yihiin inay weerarro kale oo waaweyn ka fuliyaan magaalada Muqdisho, ayna ku layaan xubnaha dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya