4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Askar Soomaaliyeed oo ka Qalin-jabiyay Iskuul Millateri oo ku yaalla Turkiga

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Askar Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 110 ayaa ka qalin-jabiyay dugsi lagu tababaro milateriga oo ku yaalla Turkiga, iyadoo xafladda qalin-jabinta askartan ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

Tababarka ciidamadan ayaa socday muddo 10-bilood ah, isagoo qayb ka ah heshiis dhinaca milateriga ah oo ay horay u kala saxiixdeen dalalka Somalia iyo Turkiga, kaasoo lagu tababarayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa saxiixday sannad ka hor heshiis ay tababar ku siinayso ciidamada milateriga Soomaaliya, iyadoo xafladda saxiixaas ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sare oo ciidamada xoogga ah iyo dajiraha Soomaaliya ee Turkiga.

Ciidamadan oo shalay gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa kusoo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga, Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyadoo lagu soo dhaweeyay muusig iyo farxad.

Taliyaha ciidamada lugta ee dalka Turkiga, Col. Nihat Aksüt oo munaasabad loo qabtay askartan ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan tababbarka soo dhameystay ay calaamad u yihiin xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga u dhexeeya.

Ugu dambeyn, . Aksüt ayaa ciidanka tababarka dhameystay ku ammaanay inay ahaayeen kuwo mar walba diyaar u ah inay kasoo baxaan kaalintooda intii ay tababarka ku jireen, ayna ka go’an tahay inay sii wadaan tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dalka Turkig ayaa wuxuu howlo kala duwan oo dhinaca caawinta ah dalka Soomaaliya ka waday tan iyo sannadkii 2011-kii markasoo booqasho lala yaabay uu ku yimid Muqdisho ra’iisul wasaaraha Turkiga, taasoo gun-dhig u noqotay howlaha kala duwan ee hay’adaha Turkigu ay ka wadaan Muqdisho.

Askartan tababarka soo dhameystay ayaa lagu wadaa inay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan, iyagoo noqonaya ciidamadii ugu horeeyay oo milateri ah oo ay dowladda Turkiga u tababarto Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya