4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo Qabtay Baabuur Miineysan


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Ciidamada amnig dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo wata eeyo tababaran ayaa waxay maanta howlgallo ay kusoo qabteen gaari miineysan ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa u muuqday in si gaar ah loogu beegsanayaya garashyada baabuurta lagu xareysto oo dowladdu ay u aragto inay yihiin goobaha looga soo xiro gaadiidka waxyaabaha qarxa.

Garaash ku yaalla xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan aya lagu qabtay gaari Carib ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo la sheegay in la qorshihiisu ahaa in lagu weeraro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminyay ayaa warbaahinta u sheegay inay ku heleen gaarigan xog hoose, iyadoo aan la qaban ciddii ku xirtay gadiidkaas waxyaabaha qarxam balse ay u sheegeen saraakiishu in baaritaanka ciddii ka dambeysay falkan ay weli wadaan.

Ciidamadan oo isugu jiray, nabadsugid, booliis, milateri Somali ah kuwa AMISOM oo eeyo wata ayaa waxay howlgalladooda si gaar ah maanta uga sameeyeen degmooynka Hodan iyo Wadajir.

Dhanka kale, ciidammo fara badan oo kuwa dowladd Somalia ah ayaa lagu arkayay maanta isgoysyada magaalada Muqdisho, kuwasoo dowladdu ay ku sheegtay inay yihiin kuwo sugay ammaanka magaalada Muqdisho.

Inkastoo dowladdu ay dadaal ugu jirto inay adkeyso amniga Muqdisho ayaa haddan waxaa ka dhacaya caasimadda dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Howlgalka ay ciidanka dowladda iyo AMISOM kusoo qabteen labada gaari ee miineysan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay ku guuleystaan inay qabtaan tan iyo markii ay billaabatay bishan Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya