4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Xisbiga DADKA oo ka hadlay Xuduud-badeedyada ay Somalia xaqa u leedahay


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Qoraal maanta kasoo saaray xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa lagu sheegay in baaxadda dhul-badeedka Somalia uu yahay 750-km, iyadoo lagu eedeeyay qoraalkan madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku sheegeen inuu ogolaaday in Soomaaliya lagala hadli karo xuduuddeeda gaarka ah ee badda.

Warkan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha xisbiga Dr. Siciid Ciise Maxamuud ayaa lagu xusay in dalalka horumaray ay maleegayaan qorshayal gurracan oo lagu doonayo in lagu bililiqeysto khayraadka dalalka saboolka ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Waddamadan 1958-kii ayay billaabeen inay u tashadaan sidii khayraadka Soomaaliya ay u boobi lahaayeen, waxayna yeesheen shirar caalami ah oo ay ujeeddadodou tahay dadaalo ay ugu jiraan samato-bixinta lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka taagan kalluumeysiga iyo qodista shidaalka laga soo saarayo baddaha dhexdooda. Natiijooyinka shirarkaas ma aysan noqon mid loo dhan yahay, waxaana dadaalladooda dhantaalay xilligaas oo uu dagaalka qabow dhaliyay xasarado xamaasaddahoodu sarreeyaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xisbiga DADKA.

Guddoomiyaha xisbigan ayaa inaas ku daray in Shirarkaas ay si xooggan u billowdeen mar kale 1973, ayna soo dhammaadeen December 10, 1982-kii, halkaas oo laga soo saaray qawaaniinta lagu dhaqayo xuduudaha dalalka ku yaala badda, waxaana xeerkaas lagu dhaqayo xuduudaha badaha uu howlgal noqday bishii Nofember 16, 1994-kii.

“Qorshahaas waxaa lagu qeexay in in dal walba oo xeeb badeed leh biyaha badda uu ku leeyahay 22-km oo keliya, waxaa xiga dhul-badeed 22-km oo uusan lahayn dalkaas, balse weli awood ahaan isaga ayay hoos imanaysaa. waxaa xiga dhul-badeed marka laga soo billaabo xeebta uu ballaciisu yahay 370-km, kaasoo noqonaya dhul-badeed dowladdaas sharaf ahaan loogu maamuusay inay u leedahay xaq u ogolaanaya in kheyraadka ku hoos jira badda ay ka faa’ideysato, wixii gaadiida ee dul maraya ama hoos marayana aysan wax shaqo ah ku lahayn,” ayuu ku yiri guddoomiyaha xisbiga warka uu soo saaray.

Isagoo sharraxaad ka bixinayay xuduud dhul-badeedda Somalia ayuu xusay inay tahay 750-km, markaas kaddib ayaa waxaa billaabanaya salka badda oo uu kusoo dhamaaday dhulkii soo galayay, sidaasna lagu gaarayo salxada salka siman ee badda.

“Dowladdii Milateriga ahayd waxay Soomaaliya horay ugu saxiixday 370-km oo dhul badeed ah ama 200 N. Mail, waxay kaloo u qaadatay 370-km ee xigga dhulkaas inuu yahay dhul ay kheyraadkeeda iyada ku keli noqonaya oo uusan ka mid noqonayn dhul badeedka caalamka, waxaana arrintaas ka taagnayd muran aan si wada jira wax go’aana aan looga gaarin ilaa ay ka burburtay dowladii milateriga,” ayaa qoraalkan lagu yiri.

Wabixinta xisbiga ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu 30-kii Juun, 2014-ka uu qoraal ku saabsan in wada-hadal lag geli karo badda Soomaaliya uu u diray Qaramada Midoobay, kaas oo uu ku sheegy in mowqifka Somalia ay ka taagneyd 1973 dhul-badeedka Soomaliya uu ku sameeyay isbedel, ogolaadayna in Somalia aysan lahayn dhul-badeed oo ay ka tanaasushay, taasna bedelkeeda Soomaaliya ay xaq u leedahay in lagu xushmeeyo dhulbadeedka baaxaddiisu gaareyso 370-km.

“Tani waxay meesha ka saaraysa 22-km oo dal kasta oo leh xeeb badeed in uu dhul-badeed ballacaas leh u lahaan karo. Qoraalkan macnahiisu waa inuu madaxweynuhu aqbalay inuu ka tanaasuley qayb ka mid ah dhulka Somalia oo uu ku daray dhulalka caalamka oo aan la kala xigin,” ayuu yiri Dr. Siciid Ciise.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay warbaahinta Soomaalida qaar ka mid ah baahinayeen in madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in gor-gortan laga geli karo xuduudaha badda Somalia, inakstoo madaxweynuhu uusan weli arrintan ka hadlin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya